Taxanuhu wuxuu ka warramayaa sheekada “Cumur (Ömür)”, oo ah hooyo halgan adag ugu jirta nolosha, kana shaqaysa farsamada dayactirka.Waxay nolosheeda oo dhan u hurtaa sidii ay u ilaalin lahayd una daryeeli lahayd saddexdeeda carruur ah, iyadoo kaligeed la tacaalaysa culaysyo nololeed oo aad u adag.Waxay sidoo kale la kulantaa quursi iyo takoor bulsho oo uga yimaada dadka dabaqadaha hodanka ah, sida “Nevra”. Dhanka kale, waxaa ka dhexeeya “Tunch” (Tunç) xiriir bani’aadamnimo oo qoto dheer.